Eric Garcia Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ku Biiray Barcelona

Xiddiga daafaca Ka ciyaara ee Eric Garcia ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray kooxda Barcelona isaga oo ugu laabtay kooxdiisii hore qaab xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskisa kooxda Man City.

Eric Garcia ayaa ka tagay Barcelona isaga oo ku biiray Man City sanadkii 2017 isaga oo jira 16 sano jir isaga oo haatan go’aansaday in uu ku laabto Barcelona kadib 4 sano oo uu ku qaatay kooxda Man City.

Eric Garcia oo waraysi siiyay wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi”Waan ka fikiray mustaqbalkayga waxana aan qaatay go’aan fiican, waan ku qanacsanahay talaabada aan qaaday”ayuu sii raaciyay.

Kooxda Man City ayaa Garcia u doonaysa in ay ku xoojiso daafaca dhexe kaas oo ay si weyn ugu dhibaatootay xilli ciyaareedka dhamaaday.

Wararka ayaa sheegaya in uu Garcia ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona ilaa xagaaga 2025


Source: laacibfm

SHARE