Jurgen Klopp Oo Iska Iibinaya 10 Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Si Uu Dib U Dhis Ugu Sameeyo Kooxdiisa.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay iska iibinayso ugu yaraan 10 xiddig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan xilli uu Klopp doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa xagaaga.

Jurgen Klopp ayaa haatanba sameeyay saxiixii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga isaga oo la soo saxiixday xiddiga reer France ee Ibrahima Konate kaas oo ay kala soo saxiixdeen xiddiga RB Leipzig.

Laakiin Klopp ayaa doonaya haatan in uu iska iibiyo xiddigo badan ka hor inta ayna kooxdu ku soo laaban tababarka si uu ula soo saxiixdo xiddigaha kale ee uu doonayo.

Xiddiga Wijnaldum ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee ka tagay kooxda Liverpool isaga oo isaga caraabay Anfield kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Liverpool.

Xiddigaha Divock Origi, Xherdan Shaqiri, Mark Grujic, Harry Wilson, Takumi Minamino, Loris Karius, Taiwo Awoniyi, Sheyi Ojo, Ben Woodburn & Liam Millar ayaa sidoo kale ah xiddigaha ay Liverpool iska iibinayso xagaaga.

Sii Akhriso: Faa’iidooyinka Xidhiidhka Caafimaadka Qaba


Source: laacibfm

SHARE