Kooxda Liverpool Oo Wadahadalo Kula Jirta Badalka Georginio Wijnaldum, Qaab Xor Ah Ayay Ku heli Karaan.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto xiddiga AC Milan Hakan Calhanoglu kaas oo ay doonayaan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 9 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale 43 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Heshiiska Hakan Calhanoglu ee kooxda Ac Milan ayaa dhici doona bisha dambe waxana uu xiiso ka helayaa kooxo badan oo reer yurub ah isaga oo aan heshiis ka gaadhin mustaqbalkiisa.

Manchester United iyo Juventus ayaa horay loola xidhiidhinayay xiddiga reer Turkey kaas oo haatan xulka qarankiisa Turkey u matalaya tartanka Euro 2020.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Calciomercato, Liverpool ayaa haatan wadahadalo kula jirta Calhanoglu iyaga oo kala hadlay suurtagalnimada ay qaab xor ah ugu heli doonaan xiddiga.

Sii Akhriso: Faa’iidooyinka Xidhiidhka Caafimaadka Qaba


Source: laacibfm

SHARE