Kooxdii Ugu Fiicnayd Europa League Oo La Soo Saaray.

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saartay kooxdii ugu fiicnayd Europa league xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda ku guulaystay koobka ee Villarreal ayaa shaxda ku lahayd kooxda ugu badan iyaga oo 7 xiddig loo magacaabay kadib markii ay markii ugu horaysay taariikhdooda ku guulaysteen koobka.

Dhanka kale Man United oo Final-ka gaadhay ayaa iyaduna ku leh shaxda 6 xiddig halka ay kooxda Roma shaxda ku leedahay 5 xiddig.

Kooxda Dinimo Zagreb ayaa dhankeeda shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Slavia Phraha, Arsenal iyo Ajax ay shaxda ku leeyihiin min 2 xiddig.

Image


Source: laacibfm

SHARE