Man United Oo Iska Iibinaysa 9 Xiddig Si Ay Dib U Dhis Ugu Samayso Kooxda 1-aad.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay is badal ku samayso kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii uu tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in kooxda isku shaandhayn lagu sameeyo kooxda suuqa xagaaga si ay kooxdu ugu tartanto koobab xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegay in ay kooxda Man United suuqa dhigayso xiddigo dhawr ah si ay lacag ugu hesho xiddigaha ay doonayso in ay la soo saxiixato kuna xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Jadon Sancho yahay xiddiga bartilmaameedka u ah kooxda Man United halka ay sidoo kale jiraan xiddigo kale oo ay doonayaan sida Varane, Haaland, Kane iyo Pau Torres.

Si ay xiddigahaas lacag ugu hesho kooxda Man United ayaa doonaysa in ay iska iibiso ugu yaraan 9 xiddig oo kooxda ah si ay dib u dhis ugu samayso kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha Paul Pogba, Jesse Lingard, David de Gea, Nemanja Matic, Daniel James, Phil Jones, Diogo Dalot Iyo Tahith Chong ayaa ah xiddigaha Ay Man United doonayso in ay iska iibiso suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Faa’iidooyinka Xidhiidhka Caafimaadka Qaba


Source: laacibfm

SHARE