Maxuu Varane Ka Yiri Mustaqbalkiisa Real Madrid , Miyuu Baxayaa Mise?

Daafaca Real Madrid ee Varane ayaa diiday in uu ka hadlo mustaqbalkiisa kooxdaas xilli la shaki gilinayo

Daafacaas reer France ayaa lala xariiriyay in ay suura gal tahay in xagaagaan uu ka huleelo Real Madrid .

Hishiiska Varane ee Real ayaa dhacaya xagaaga 2022-ka mana jirto hishiis kordhin loo soo bandhigay illaa iyo haatan

Wargeyska Metro ayuu Varane ka yiri ” lama joogo waqti ku haboon in aan ka hadlo mustaqbalkeyga, waxaan haatan diiradda sarayaa qarankeyga iyo tartanka qraamada yurub”.

” Waan ku celinayaa waxaan kaliya ka fikarayaa qarankeyga France , waqti kale oo ka badan ayaa jirta oo ku aadan ka sheekeynta mustaqbalkeyga”.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Real ay la soo wareegtay daafacii Bayern Munich ee David Alaba kaasi oo qaab xor ah ugu yimid shalay


Source: laacibfm

SHARE