Sergio Aguero Oo Dib U Dhigaya Ku Biirista Barcelona & Messi Oo Sabab U Ah.

Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa inuu sugayo xaqiijinta mustaqbalka Lionel Messi ka hor inta uusan dhameystirin ku biiristiisa Barcelona.

Xiddiga reer Argentine ayaa lagu wadaa inuu safto kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee Man City final-ka champions League waxana la filayaa in uu ku biiro Barcelona xagaaga.

In uu ka garab ciyaaro xiddiga ay isku xulka yihiin ee Lionel Messi ayaa ah sababta ka dambaysa in uu ku biiro kooxda Barcelona laakiin Messi ayaan wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, heshiiska Sergio Aguero ugu biirayo Barcelona waxa uu ku dhawyahay in la dhamaystiro laakiin weeraryahanka ayaa marka hore doonaya in uu xaqiijiyo in uu Messi sii joogi doono kooxda ka hor inta uuna qalinka iyo warqada is dul dhigin.

Wararka ayaa sheegaya in uu Aguero xiiso ka helayo 6 kooxood oo waaweyn waliba ka mid yihiin kooxaha premier League hadii uu ku fashilmo in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Sii Akhriso: Faa’iidooyinka Xidhiidhka Caafimaadka Qaba


Source: laacibfm

SHARE