Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City Vs Chelsea: Ayaa Ku Bilowday Shaxda Final-ka Champions League

Tababarayaasha Thomas Tuchel iyo Pep Guardiola ayaa soo saaray shaxda ay isaga hor iman doonaan Final-ka champoons League kulan ka dhcaya garoonka Estadio do Dragao.

Tuchel ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigaha Mendy iyo Kante kuwaas oo taam u noqday kulanka kadib markii ay ka soo laabteen dhaawacyadii soo gaadhay kulamadii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Waxa uu kaydka dhigay xiddigaha Pulisic, Kovacic iyo waliba Ziyech kuwaas oo qaab ciyaareed fiican ku jiray kulamadii ugu dambeeyay.

Tababare Guardiola ayaa dhankiisa ku bilaabay xiddiga Sterling oo uu weerarka ka ciyaarsiinayo xilli uu akaydka dhigay xiddigaha Jesus iyo Aguero halka uu sidoo kale kaydka dhigay xiddiga Rodri ee khadka dhexe ka ciyaara.

Sidoo kale waxa taam u noqday kulanka xiddiga Gundogan kaas oo uu shaki weyn ku jiray taam ahaanshihiisa kadib markii uu ku dhaawacmay tababarkii ka horeeyay kulanka.

shaxda Rasmiga ah ee kulanka.

Chelsea: Mendy, Azpilicueta, Silva, Rudiger, James, Jorginho, Kante, Chilwell, Mount, Havertz, Werner.

Kaydka: Kepa, Caballero, Alonso, Christensen, Pulisic, Zouma, Kovacic, Giroud, Hudson-Odoi, Ziyech, Gilmour, Emerson.

Man City: Ederson, Walker, Stones, Dias, Zinchenko, Gundogan, De Bruyne, Bernardo, Mahrez, Sterling, Foden.

Kaydka: Steffen, Carson, Ake, Jesus, Aguero, Laporte, Rodri, Torres, Mendy, Fernandinho, Cancelo, Garcia.


Source: laacibfm

SHARE