Xog Laga Helay Mustaqbalka Mehraz Ee Man City Iyo Liiska Ciyaartooy La Damacsan Yahay In Xagaaga Laga Taqaluso

Saxaafadda Ingiriiska ayaa qarxiyay xogo culus oo ku aadan mustaqbalka Riyad Mehraz ee City .

Waxa ay xuseen in Man City doonayaan in ay ka taqalusaan laacibkaas marka suuqa xagaaga uu furmo dhawaan .

Mehraz ayaa City xlli ciyaareedkaan ku hogaamiyay finalka Champion oo ay caawa wada ciyaarayaan Chelsea .

Inkastoo laacibkaas kaalin weyn ku lahaa in City dhanka kale ku guuleysto horyaalka Ingiriiska hadana waxa ay kooxdiisa ku dartay liiska ciyaartooy la filayo in ay ka kaaftoomaan xagaagaan
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in City laacibklaas ku dareen liiska ciyaartooyda City ka tageysa xagaaga waliba uu ugu horeeyo Riyad , mana jirto faa faahin dheeraad oo ay bixiyeen

Warka waxa uu leeyahay , City waa ay ogalaanayaan in ay iibiyaan Riyad haddii qiimo macquul ah laga keeno , waxaana liiska sidoo ale ku jira Raheem kaasi ooheer ciyaareedkiisa uu hoos u dhacay

Daily Mail waxa ay leedahay , liiska waxaa kale oo ku jir Jesus iyo Laporte waxa ayan taasi micnaheedu tahay in hantilayaasha dhiig cuisub isku soo shubayaan .

Raheem Iyo Riyad waxa dooneysa kooxda Arsenal balse waxaa laga yaabaa in rabitaankaas uu hor istaago qiimaha lacaged ee ay City ku dalbaneyso labada laacib

Man City waxa ay damacsan tahay in qiimaha ka soo gala iibka laacibiintaas in suuqa xagaaga si weyn ugu galaan waxa ayna bartilmaameysanayaan Jack Greelish iyo Harry Kane


Source: laacibfm

SHARE