Arsenal Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Riyad Mahrez.

Kooxda Arsenal ayaa dalaabo u qaaday saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Riyad Mahrez sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Ku guulaystay premeir League ee Man City ayaa suuqa dhigtay xiddiga reer Algeria xilli uu Pep Guardiola doonayo in uu isk shaandayn ku samayn doono kooxdiisa xagaaga.

Xiddiga Riyad Mahrez ayaa taageere u ah kooxda Arsenal waxana uu xitaa qirtay in uu doonaayy in uu ku biiray kooxda Arsenal ka hor intii uuna ku biirin kooxda Man City.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Arsenal xidhiidh la samaysay Wakiilada Riyad Mahrez si ay ugala hadlaan suurtagalnimada uu ugu biiri karo Emirates suuqa xagaaga.

Arsenal ayaa aaminsan in uu saxiixa Riyad Mahrez ka fududyahay saxiixa Raheem Sterling marka la eego in uu 30 jir yahay waliba qiimihiisu hoos u dhacay sabab la xidhiidha da’diisa.


Source: laacibfm

SHARE