Dani Ceballos Oo Arin Cusub Hor Dhigay Kooxdiisa Real Madrid , Maxaa Soo Kordhay

Dani Ceballos ayaa hoosta ka xariiqay in markaan uu doonayo in u ku xasilo kooxdiisa Real Madrid haddii taasi aysan dhaceynna uu toos uga tagayo

Laacibkaan ayaa amaahdiisa Arsenal ee labada xilli ciyaareed aheyd dhameystay waxa uuna dib ugu laabtay Real Madrid ka db markii horyaalka Ingiriiska uu dhamaaday.

Dani Ceballos ayaa Daily Mail ka yiri ” horyaalka Ingiriiska waa cajiib , nasiib ayaan leeyahay haddii aan ka ciyaaray , waliba xilli ciyaareedka soo dhamaaday waxa uu sii xoojiyay kasoonideyda”.

” Wax badan ayaan ka bartay tijaabadeydii Arsenal , waxaan noqday laacib wanaagsan” ayuu sii raaciyay Dani Ceballos

Laacibkaan ayaa hishiiskiisa Real waxaa ka harsan laba sano waxa uuna xusay in uusan dooneyn in mar kale uu amaah ku baxo.

” Waxaan doonayaa in aan Real ku xasilo haddii taasi aysan dhaceyn waxaan doonayaa in aan toos u baxo” ayuu ku gabagabeeyay hadalkiisa.


Source: laacibfm

SHARE