DEG-DEG: Barcelona Oo Ku Dhaw In Ay Saddex Saxiix Ku Dhawaaqdo

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo 3 saxiix maalmaha soo socda sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa la filayaa in ay mashquul weyn ahaato wakhtiga soo socda iyada oo dib u dhis ku samaynaysa kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xgaaaga.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona ku dhawaaqi doonto saxiixyada xiddigaha wijnaldum, Aguero & Garcia kuwaas oo qaab xor ah ugu biiri doona kooxda.

Fabrizio Romano ayaa sheeay in uu Sergio Aguero saacadaha soo socda u duuli doono Barcelona si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda sidoo kale qalinka ku duugo heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

Sidoo kale Eric Garcia ayaa lagu dhawaaqi doonaa saxiixiisa halka uu sidoo kale lagu dhawaaqi doono saxiixa xiddiga Gini Wijnaldum maalmaha yar ee soo socda


Source: laacibfm

SHARE