Juventus & Man United Oo Is Dhaafsan kara Laba Xiddig & Ronaldo Oo Ka Mid Ah

Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in dib loogu soo celiyo Manchester United isaga oo ka qayb noqon kara heshiis is dhaafsi ah oo ay Juventus ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Poba sida ay sheegayaan wararku.

Juventus ayaa laga reebay champions League marka ay gaadheen wareega 16-ka sidoo kale waxa ay ku fashilmeen in ay ku guulaystaan horyalka Serie A-da xilli ciyaareedkan taas oo keentay in xiddiga Ronaldo lala xidhiidhiyo isaga tagista kooxda.

Tababare Massimiliano Allegri ayaa ku soo laabtay Juventus waxana uu u arkaa in uuna Ronaldo ka qayb noqon karin qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale Mustaqbalka Pogba ee Man United ayaan wali wax go’aan ah laga gaadhin wargayska La Gazzetta dello Sport ayaana sheegaya in ay labada kooxood is dhaafsan karaan labada xiddiga suuqa xagaaga.

Man United ayaa xiiso u muujisay saxiixa Ronaldo halka ay Juventus dhankeeda doonayso saxiixa xiddiga Pogba taas oo sidoo kale fududayn karta heshiiska labada kooxood isku dhaafsanayaan.


Source: laacibfm

SHARE