Ka Dib MarkiiUu Chelsea Ku Hogaamiyay Champion-ka , Tochel Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Kooxdaas

Tababaraha kooxda Chelsea ee Tochel ayaa hoosta ka xariiqay in xalay aheyd waqtigii ugu fiicnaa aayihiisa macalin ka dib markii kooxdaas uu ku hogaamiyay Cahmpion-ka

“Haatan waxaa la joogaa waqtigii ku haboonaa ee aan dabaal dageyno ka dib koob kale ayaan doonayaa in aan ku guuleuysto” ayuu yiri macalin Tochel

” Waxaan haatan ka shaqeynayaa diyaarinta Chelsea cusub waxaa iga go`an in aan kooxdaan ka yeelo mid laga cabsado”

Macalinka waxa uu haatan xusay in uu rajeynayo in hishiis cusub u saxiixo kooxdaas ka dib 124 cesho ee uu maamulay Chelsea waliba ku hogaamiyay Cahmpion-ka

Chelsea ayay xalay u aheyd markii labaad taariikhdooda ee ay ku guuleysanayaan tartanka koobka dhagaha weyn halka City finalkaan u ahaa koodii ugu horeeyay


Source: laacibfm

SHARE