Kevin De Bruyne Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego tartanka Euro2020.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaadhay dhaawac jab sanka ah halka uu sidoo kale soo gaadhay dhaawac isha ah kadib markii ay isku dheceen xiddiga Antonio Rudiger final-ka champiions League.

ilaa haatan lama oga in uu dhaawacaas soo gaadhay xiddiga u diidi doono in uu xulka qarankiisa Belguim kala qayb qaato tartanka Europa 2020 ee bilaaban doona bisha dambe.

29 jirkaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray” Nabadee, Asxaabta, waxa aan haatan ka soo laabtay Cusbitaalka”.

“Baaritaankeygu waa jabka lafaha sanka oo daran iyo jab isha dusheeda ah, laakiin haatan waan fiicanahay”.

“Waan ka niyad jabsanahay wixii dhacay xalay laakiin waan soo laaban doonaa inaga oo sidii hore ka adag”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE