Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhalisay Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Waxa soo dhamaaday xilli ciyaareedka champions league iyada oo ay ku guulaystay kooxda chelsea oo Final-ka ku garaacday kooxda Man City kulan ka dhacay dalka Portugal.

Waxa guud ahaan la ciyaaray tanka 125 kulan tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka waxana jira kooxo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba dhaliyay goolal aad u badan.

Kooxda Bayern Munich ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka dhalisay tartanka champions League xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo dhaliyay 27 gool inkasta oo ay Quarter-Final-ka kaga hadheen tartanka.

Kooxda Man city oo gaadhay final-ka tartanka champions League ayaa ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo dhaliyay 25 gool oo tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Kooxda ku guulaystay tartanka champions league ee Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo dhaliyay 23 gool oo tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda PSG ayaa dhalisay 22 gool halka ay kooxda Borussia Dortmund dhalisay 19 gool tartankii champions League xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE