Saaxiibada Cristiano Ronaldo Oo Kala Cadaysay Mustaqbalka Xiddiga

Saaxiibta Cristiano Ronaldo ee Georgina Rodriguez ayaa shaaca ka qaaday go’aanka kama dambaysta ah ee xiddiga reer Portugal ee mustaqbalkiisa kooxda Juventus xilli si weyn loola xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.

Waxa jirtay warar sheegaya in uu Cristiano Ronaldo isaga tagi doono kooxda Juventus xagaaga sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale oo soo wajahaday iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Man United.

Cristiano Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayay sidoo kale kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo PSG kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga reer portigal marka la gaadho suuqa xagaaga.

Laakiin Georgina Rodriguez ayaa meel saartay mustaqbalka xiddiga reer Portugal iyda oo sheegtay in uu sii joogi doono kooxda Juventus oo uuna meelna uga socon kooxda xagaagan.

Georgina Rodriguez ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddiga xilli ay ka qayb qaadanaysay duubista Filim lagu duubayay shabakada Netflix waxana ay ku jawaabtay”wuu sii joogi doonaa”.


Source: laacibfm

SHARE