Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Doortay Shaxda Ugu Fiican Champions League

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday champions League xilli ciyaareedka iyada oo kooxda chelsea ku guulaystay koobka markii 2-aad ee taariikhdooda sidoo kale laga qaaday kooxda Man City oo gaadhay Final-ka markii ugu horaysay taariikhdooda.

Waxa jira xiddigo badan oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa bilowgii tartanka champions League waxana ay muujiyeen tayadooda xilli ciyaareedka oo dhan.

Shabakada BT Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka premeir League iyaga oo daawadayaashooda waydiiyay in ay doortaan shaxda ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Taageerayal dhan 125,000 ayaa ka qayb qaatay codaynta shaxda ugu fiican champions League xilli ciyaareedka iyaga oo kaliya kooxaha premier League u soo doortay shaxda ugu fician.

Kooxda Laga qaaday koobka ee Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay chelsea ku leedahay 3 xiddig iyada oo Liverpool ku leedahay hal xiddig.

Image


Source: laacibfm

SHARE