Waa Maxay Sababtii Liverpool & Chelsea Uga Faa’iideen Ku Guulaysigii Chelsea Ee Champions League.

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa arkay in fursadihii ay ku gali lahaayeen Group-ka Dhimashada ee champions league xilli ciyaareedka dambe in ay hoos u dhacday kadib markii ay chelsea ku guulaystay champions League.

Blues ayaa 1/0 ku garaacday Man City sabtidii iyada oo uu Kai Havertz dhaliyay goolka guusha Chelsea ku hogaamiyay guusha Champions League.

Chelsea ayaa ku guulaystay champions league markii ugu horaysya muddo 9 sano ah kadib markii ay sanadkii 2012 ku garaaceen kooxda Bayern Munich.

Guushaas aya Man City dhigtay pot 1 tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe iyaga oo kooxaha ku guulaystay horyaalada waaweyn kula biiray booskaas.

Chelsea ayaa sidoo kale gashay Pot 1 kadib ku guulaysiga Champions League iyada oo Villarreal kula biirtay Chelsea kadib markii ay final-ka Europa League ku garaacay Man United.

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa la xaqiijiyay in ay gali doonaan Pot 2 qiimaynta 5-tii sano ee ugu dambaysay ee UEFA.

Si kasta ha ahaatee Man United iyo Liverpool ayaan gali doonin Group-ka dhimashada ee champions League maadama ay kooxaha waaweyn ee reer yurub la Pot noqon doonaan sida Dortmund, Inter Milan iyo Atletico Madrid.


Source: laacibfm

SHARE