WARBIXIN: 10-kii Saxiix Ee Ugu Fiicnaa Premier League Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday Oo la Soo Saaray.

Waxa dhamaaday xilli ciyaareedka premier League kooxda Man City ayaana si xarago leh ugu guulaystay koobka iyada oo aan tartan adag u galin ku guulaysigiisa.

Waxa jira xiddigo badan oo ku cusbaa premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday kuwaas oo markii ugu horaysay isku tijaabiyay horyaalka ugu xiisaha badan qaarada yurub.

Xiddigahaas ayaa ahaa kuwo horay u sii joogay horyaalka oo ka tagay kooxdooda kuna biiray koox kale si ay u helaan Daqiiqado badan halka ay jiraan xiddigo gabi ahaan ku cusub horyaalka.

Hadaba wargayska The Sun ayaa soo bandhigay saxiixyadii ugu fiicnaa ee horyaalka xilli ciyaareedkii dhamaaday hadii ay tahay kuwii xagaaga ku so biiray ama kuwii suuqii January ku biiray kooxaha kale.

1.Edinson Cavani:

Saxiixan ayay dad badan dhaleeceeyeen iyaga oo lagu timaamay mid aan laga fiirsan waliba si deg-deg ah loo dhamaystiray laakiin xiddiga reer Uruguay ayaa aamusiyay dadkaas isaga oo so bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba helay hal sano oo heshiis cusub ah.

2.Raphinha:

Xiddiga reer Brazil ee garabka ka ciyaara ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkiisi ugu horeeyay ee premier League kadib markii uu xagaagii leeds kaga soo biiray kooxda Rennes.

3.Jesse Lingard:

Lingard ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka kadib markii uu amaah ugu biiray West Ham suuqii January isaga oo dib u soo nooleeyay xirfadiisa ciyaareed.

4.Emiliano Martinez:

Arsenal ayaa samaysay khalad weyn kadib markii ay iska fasaxday Goolhayahan kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Aston Villa waxana jira taageerayaal ilaa haatan maamulka kooxdooda ku eedaynaya iibinta Goolhayahan.

5.Ruben Dias:

Daafaca dhexe ee reer Portugal ayaa sabab u ahaa ku guulaysiga kooxda Man City ee horyaalka premier League iyada oo uu xiddiga 23 jirka ah soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kuna dhisay daafaca Man City.

6:Diogo Jota:

Liverpool ayaan soo qaadan xilli ciyaareed fiican laakiin Jota ayaa muujiyay in uu xiddig weyn oo la isku halyn karo yahay kadib qaab ciyaareed fiican oo lama filaan ah oo uu ku soo bandhigay kooxda xilli ciyaareedkan.

7.Joel Veltman

8.Ollie Watkins

9.Callum Wilson

10.Wesley Fofana


Source: laacibfm

SHARE