WARBIXIN: Saxiixyadii Ku Fashilmay Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Horyaalka premier League ayaa dhamaaday iyada oo Man City ku guulaystay Horyaalka halka kooxaha Sheffield United, Fulham & West Brom u dhaadheceen tartanka Championship.

Sida dhacda xilli ciyaareed walba waxa jira xiddigo ku cusub premier League kuwaas oo naftooda ku tijaabiya horyaalka premier League markii ugu horaysay.

Laakiin dhamaantood kuma guulaystaan in ay muujiyaan tayadooda soona bandhigaan qaab ciyaareed cajiib ah waxana jira xiddigo lacag fiican laga soo bixiyay xagaagii hore laakiin ku fashilmay premier League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10-kii xiddig ee xilli ciyaareedkii dhamaaday ku fashilmay premier League:

1.Kai Havertz

Xiddiga ugu qaalisanaa suuqii xagaaga ayaa ku fashilmay in uu wax saamayn ah ku yeesho premier League isaga oo kaliya dhaliyay 4 gool oo kaliya xilli ciyaareedka sidoo kale ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.

2.Donny van de Beek:

Kadib markii qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay Ajax xiddiga reer Holland ayaa ku dhibaatooday kooxda Man United xili ciyaareedkii dhamaaday.

Van de Beek ayaan xitaa haysan kalsoonida tababare Solskjaer isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda Man United kulamo badana kaydka fadhiyay.

3.Willian:

Xiddiga reer Brazil ayaa Arsenal yimid isaga oo khibrad fiican u leh premier League kadib 7 sano oo uu joogay Chelsea laakiin xiddiga ayaan soo bandhigin wixii laga filayay isaga oo si weyn ugu dhibaatooday Arsenal sidoo kale la kulmay dhaleecayn xoogan.

4.Nathan Ake

5.Alex Telles

6.Rhian Brewster

7.Kostas Tsimikas

8.Michy Batshuayi

9.Jamal Lewis

10Matt Doherty


Source: laacibfm

SHARE