XASAASI: Barcelona Oo Liverpool U Soo Bandhigtay Saxiixa Philippe Coutinho

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Philippe Coutinho sida ay sheegayaan warar lama filaan ah oo soo baxay.

Philippe Coutinho ayaa ka tagay Liverpool suuqii January 2018 isaga oo ku biiray Barcelona laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska iibiso xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho marka la gaadho suuqa xagaaga iyaga oo doonaya in ay dhimaan mushaharkiisa waalida ah ee uu kooxda ka qaato.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Philippe Coutinho u sheegtay in uu ku laabto Liverpool xilli ay sidoo kale la xidhiidhay Liverpool una sheegtay in ay diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xiddiga suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona xiddiga Philippe Coutinho ku siin doonto Liverpool qaab lacag la’aan ah maadama ay haatanba Liverpool 40 milyan ku leedahay Barcelona.


Source: laacibfm

SHARE