Xiddigaha Goolasha Ugu Badan ka Dhaliyay Champions league Xilli Ciyaareedkan Kadib Markii Uu Dhamaaday Tartanku.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray xilli ciyaareedka champions League oo ay ku guulaystay kooxda chelsea kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Porto iyada oo la soo afjaray tartanka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa ku guulaystay gool dhalinta champions League xilli ciyaareedkan kadib markii uu xilli ciyaareed cajiib ah soo qaatay.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 10 gool isaga oo 2 gool ka horeeya xiddiga ugu soo xigay ee Kylian Mbappe kaas oo dhaliyay 8 gool xilli ciyaareedka champions League.

Waxa ku xiga 7 xiddig oo dhamaantood isku gool dhaliyay xilli ciyaareedka champions League kuwaas oo dhaliyay min 6 gool intii ay ka qayb galayeen tartanka.

Halkan Hoose Kaga Bogo gool dhalinta Champions League:

N. Xiddiga Koxoda Da’da Xulka Goolasha
1. Erling Braut Haaland Borussia Dortmund 20 Norway 10
2. Kylian Mbappe Paris Saint-Germain 22 France 8
3. Álvaro Morata Juventus 28 Spain 6
4 Karim Benzema Real Madrid 33 France 6
5. Marcus Rashford Manchester United 23 England 6
6 Mohamed Salah Liverpool 28 Egypt 6
7. Neymar Paris Saint-Germain 29 Brazil 6
8. Olivier Giroud Chelsea 34 France 6
9. Youssef En-Nesyri Sevilla 23 Morocco 6


Source: laacibfm

SHARE