DEG-DEG: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Sergio Aguero.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Aguero kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Man City.

Xiddiga 32 jirka ah oo 33 jir noqon doona bisha June ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2023 waxana heshiiskiisa lagu xidhay lacag dhan 100 milyan oo lagu bur-burin karo.

Aguero ayaa maanta ku baasay tijaabada caafimaadka kadib markii uu shalay yimid magaalada kadib markii ay kooxdisu ciyaartay Final-kii champions League.

Xiddiga Aguero ayaa noqday saxiixa ugu horeeya ee kooxda Barcelona waxana la samayn doonaa xaflada lagu soo bandhigayo kaas oo lagu qaban doono garoonka Camp Nou.


Source: laacibfm

SHARE