Eden Hazard Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Kadib Wararka La Xidhiidhinaya Chelsea.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu doonayo ku laabashada kooxdiisii hore ee chelsea kana tago kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Eden Hazard ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa markii uu ku soo biiray Real Madrid 2 sano ka hor sabab la xidhiidha dhaawacyo si joogto ah u soo gaadhay.

Arintaas ayaa keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in uu Hazard doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid isaga oo waliba doonaya in uu ku laabto kooxda Chelsea suuqa xagaagan.

Markii wax laga weydiiyay arrintan, Hazard ayaa yidhi”Wali waxa aan Real Madrid kula jiraa heshiis 3 sano ah sidaas darteed ku laabashada Premier League ma ahan mid aan ka fikirayo”.

“Qof walba wuu ogyahay in labadaydii sano ee ugu horeysay Real Madrid aysan fiicneyn, marka hore waxa aan doonayaa in aan halkan isku muujiyo, waxa aan samayn doonaa wax walba”ayuu sii raaciyay.

“Anigu ma arko in aan ka tagayo Real Madrid sababta oo ah waxa aan doonayaa in aan wax walba ku soo bandhigo kooxda soona bandhigo qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedka dambe”.


Source: laacibfm

SHARE