Halka Uu Sergio Aguero Ka Gali Karo Shaxda Barcelona Kadib Markii La Dhamaystiray Heshiiskiisa

Kooxda Barcelona ayaa maanta dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Aguero kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegeen kooxda Man City kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa maanta ku dhawaaqday saxiixa xiddiga kaas oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Camp Nou.

Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay Aguero bilihii ugu dambeeyay tan ilaa markii ay Man City xaqiijisay in uu isaga tagi doono kooxda marka uu dhamaado heshiiskiisu.

Aguero ayaa la filayaa in uu ka garab ciyaaro xiddiga ay isku xulka yihiin ee Lionel Messi xilli ciyaareedka dambe iyada oo Barcelona doonayso xiddig ay ku buuxiso booskii Suarez.

Xiddiga reer Argentine ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka garab ciyaaro xiddiga Dembele kaas oo xilli ciyaareedkii hore ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah.

blog_image


Source: laacibfm

SHARE