Karim Benzema Oo Albaabka U Furay In Ay Real Madrid U Dhaqaaqdo Saxiixa Kylian Mbappe

Xiddiga Karim Benzema ayaa lagu soo daray Liiska xulka qaranka France ee ka qayb qaadan doona tartanka Euro 2020 waxana uu hor fadhiistay saxaafada ka hor bilaabashada tartanka Todobaadka dambe.

Karim Benzema ayaa ka farxiyay taageerayaasha Los Blancos isaga oo sheegay in uu xiddiga Kylian Mbappe ku soo dhawayn doono Real Madrid hadii uu xiddigu go’aansado in uu ku biiro kooxda.

Benzema ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga Kylian Mbappe oo ay tababar wada qaateen markii ugu horaysay kadib markii ay yimaadeen tababarka xulka qaranka France.

“Ma doonayo in aan cid kale bar-bar dhigo”ayuu yidhi.

“Mbappe wali waa xiddig da’yar ah laakiin cajiib ah”.

“Haatanba waxa aan la qaatay tababar waxana uu leeyahay orod badan iyo waliba xirfad cajiib ah goolka hortiisa”.

“Waa xiddig aad iyo aad u fiiccan”.


Source: laacibfm

SHARE