Man United Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Jadon Sancho

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay heshiiska shaqsiga ah la gaartay weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Xiddigii hore ee Man City ayaa sii joogay Borussia Dortmund inkasta oo muddo dheer lala xidhiidhinayay Man United xagaagii hore laakiin xagaagan xiddiga ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee United.

Dortmund ayaa la rumaysanyahay in ay qiimaha ay xiddiga ku iibinayso hoos ugu dhigtay 80 milyan oo euro iyaga oo waliba haatan heli kara saxiixa xiddiga reer England.

Haatan wargayska Sport1 ayaa sheegaa in ay Man United haataba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Sancho haatana wadahadalo kula jirto kooxda Dortmund si ay ugala heshiiso qiimaha xiddiga.

Sancho ayaa dhaliyay 16 gool sidoo kale caawiye ka noqday 20 kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu Dortmund kula jiraa heshiis dhici doona 2 sano kadib.


Source: laacibfm

SHARE