RASMI: Arentine Oo Laga Saaray Marti Galinta Tartanka Copa Ameirca 2021.

Xiriirka Koofurta Ameerika ayaa go’aansaday dalka Argentine laga saaro marti galinta tartanka Copa America sanadkan sababo la xidhiidha xanuunka Korona oo si xun ugu faafaya dalka.

Tartanka sanadkan ayaa la filayay in ay wada marti galiyaan dalaka Argentina iyo Colombia laakiin waxa Colombia laga saaray marti galinta tartanka sabab la xidhiidha mudaharaado ka socda dalkaas halka haatana la xaqiijiyay in laga saaray Argentina sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Xidhiidhka Koonfurta Ameerika ayaa haatan qiimaynaya dalalka kale ee u soo gudbiyay in ay marti galiyaan tartanka oo bilaaban doona 11 bisha June socon doonana ilaa 11 bisha July.

Waxa xusid mudan in ay jiraan warar sheegaya in dalka marti galin kara tartanka sanadkan noqon karo dalka America kaas oo soo gudbiyay codsigooda ah in ay marti galiyaan tartanka.


Source: laacibfm

SHARE