RASMI: Dalka Marti Galin Doona Tartanka Copa America 2021 Oo La Shaaciyay.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Koonfurta Ameerika ee CONMEBOL ayaa ku dhawaaqay in Copa America ee 2021 lagu qaban doono Brazil bisha soo socota.

Tartankan ayaa la filayay in lagu qabto dalalka Argentina iyo Colombia inta u dhaxeysa June 13 ilaa July 10.

Laakiin labada dal ayaa laga qaaday marti galinta tartanka sabab la xidhiidha xanuunka Korona iyo mudaharaad xoogan oo ka socda labada dal.

Si kasta ha ahaatee xidhiidhka Xiriirka Kubadda Cagta ee Koonfurta Ameerika ee CONMEBOL ayaa haatan xaqiijiyay in tartanka lagu qaban doono dalka Brazil laba todobaad ka hor inta aanu bilaabmin.

Dalka Brazil ayaa sanadkii 2019 marti galiyay tartanka Copa America iyaga oo sanadkaas ku guulaystay koobka waxana haatan loo xil saaray in ay marti galiyaan tartanka sanadkan.


Source: laacibfm

SHARE