Saul Niguez Oo Ka Farxiyay Man United, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez ayaa lagu soo waramayaa inuu Man United u doortay kooxda uu doonayo in uu ku biiro suuqa xagaaga.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa labadii suuq ee ugu dambeeyay laal xidhiidhinayay Man United laakiin ugu dambayn waxa uu sii joogay Atletico Madrid iaaga oo kooxda kula guulaystay koobka La Liga.

Si kasta ha ahaatee Agaasimaha kooxda Atletico Madrid ayaa albaabka u furay bixitaanka Saul xilli ay kooxdu la dhibaatoonayso dhaqaaqo xumo uu sababay xanuunka Korona.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa ku jira tartanka saxiixa laakiin Saul ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Saul Lagu bur-burin karo heshiiskiisa lacag dhan 60 milyan oo euro xilli uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga 2026.


Source: laacibfm

SHARE