Sida Ay Noqon Karto Shaxda Arsenal Hadii Ay Helaan Raheem Sterling & Riyad Mahrez.

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa suuq mashquul ah xagaaga iyada oo uu Mikel Arteta isku diyaarinayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigo badan oo ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal kuna jiraan xiddigaha kooxda Man City ee Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez kuwaas oo uu Mikel Arteta kula soo shaqeeyay Man City.

Wargayska Express Sport ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe hadii uu Mikel Arteta helo labadaas xiddig iyo waliba ugu yaraan 3 xiddig oo kale oo khadka dhexe iyo daafaca ah.

Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda Brighton ee Lamptey kaas oo ka ciyaara garabka midig ee daafaca xilli ay Arsenal u baahantahay daafac ku fiican booskaas.

Sidoo kale Arsenal ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Edmond Tapsoba kaas oo ay u arkaan badalka David Luiz oo isaga tagay kooxda.

Khadka dhexe kooxda Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda Brighton ee Bissouma kaas oo ay xitaa kooxdiisu xaqiijisay in ay iska iibin karto xiddiga suuqa xagaagan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo sida ay noqon karto shaxda Arsenal hadii uu Arteta helo bartilmaameedyada uu doonayo xagaaga.


Source: laacibfm

SHARE