Xaaladda Ma Wacna , Arin Ka Cusub Mustaqbalka Pogba Ee United , Wakiilkiisa Ayaa Wata Qorshaha.

Wakiilka Pogba ayaa damacsan in uu todobadkaan go`aamiyo sida uu noqonayo mustaqbalka laacibka ee United

Hishiiska Pogba ee Old Trafford ayaa dhacaya xagaaga 2022-ka welina la islama meel dhigin qandaraas kordhin .

Pogba ayaa lala xariimayaa in uu baxayo waxa ayna xogo kala duwan tilmaamayaan in midkood Real ama kooxdiisa hore Juve uu aadayo.

Daily Star ayaa sheegeysa in todobaadkaan uu meel u dhacayo mustaqbalka Pogba ee United .

Wakiilka Pogba ayaa todobaadkaan la kulmaya maamulka United waliba mid dhanka is aragga fog ah ( Wicitaan Muuqaal”

Warka wax auu intaas ku darayaa in wakiilka uu dalbanayo in Pogba mushaar todobaadkii gaaraya 500 oo kun la siiyo si hishiis cusub uu u saxiixo

Waa arin adag in maamulka United ogalaadaan arintaas , haddii la is fahmi waayo waxa ay u badan tahay in uu baxo Pogba xilli United ay ka faa`ideysan doonaan qiimaha suuqa uu ku joogo xagaagaan halka xagaaga dambe qaab xor ah uu ku tagi lahaa


Source: laacibfm

SHARE