Zinedine Zidane Oo Afka Furtay Kana Hadlay Sababta Uu Uga Tagay Real Madrid.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambayn afka furtay kana hadlay sababta uu uga tagay kooxda Real Madrid markii 2-aad xirfadiisa tababare.

Zidane ayaa todobaadkii hore isaga tagay kooxda maalmo yar kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka La Liga ee ay waliba kooxdu seegtay ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Zidane oo waraysi siiyay wargayska AS ayaa yidhi”Waxa aan uga tagay Real Madrid sababta oo ah waxa aan dareemay in aanay kooxdu wax kalsooni ah igu qabin”.

“Anigu waxa aan ahay guulayste dabiici ah, waxana aan halkan ku joogay in aan ku guulaysto koobab laakiin waxa ugu muhiimsan in aana la eegin dareenkaya sidoo kale jireen dad badan oo la iga sheegay saxaafada”.

“Way i dhaacwday markii aan wargaysyada ka akhriyay in la i caydhin doono hadii aanan badin kulanka xiga, waana fariimo si kas ah saxaafada loogu dusiyay si saamayn xun loogu yeesho xiddigaha kooxda”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE