Chelsea Oo Wajahaysa Group-ka Dhimashada Champions league Inkasta Oo Ay Ku Guulaysteen Tartanka.

Chelsea ayaa ku aadi karta Group adag tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay garaaceen kooxda Man City kuna guulaysteen koobka xilli ciyaareedkan.

Pot1 waxa ku jiri doona kooxaha ku guulaystay horyaalada chelsea iyo waliba kooxda ku guulaystay Europa League ee Villarreal kuwaas oo kala ah Man City, Lille, Bayern Munich, Inter Milan, Atletico Madrid iyo Sporting Lisbon waxana ku biiraya kooxaha Chelsea iyo Villarreal.

Kooxaha Barcelona, Real Madrid, Juventus iyo PSG Ayaa dhamaantood ku jira Pot2 kadib markii ay ku fashilmeen horyaalada dalkooda xilli ciyaareedkii.

Chelsea ayaa ku aadi karta kooxahaas maadama ayna ku aadi karin kooxaha premeir League ee Liverpool iyo Man United oo ku jiray Pot2.

Kooxda chelsea ayaa sidoo kale ku aadki karta kooxaha Ajax iyo RB Leipzig oo ku jira Pot3 halka ay sidoo kale ku aadi karaan kooxda Ac Milan oo ku jira Pot 4 kadib markii ay u soo bexeen champions League tan ilaa 2013/2014.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE