DEG-DEG: Tababaraha Cusub Ee Real Madrid Oo La Ogaaday

Kooxda Real Madrid ayaa qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo saxiixa tababaraha cusub ee shaqada ka badali doona Zinedine Zidane kaas oo ka tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa tababare Carlo Ancelotti kaas oo ku soo laaban doona kooxda Real Madrid markii 2-aad.

Wararka ayaa sheegaya in uu Carlo Ancelotti haatan kansalayo heshiiska uu kula jiro kooxda Everton oo uu hogaaminayay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Tababaraha reer Italy iyo Real Madrid ayaa si Rasmi ah u heshiiyay waxana uu tababaruhu ku laaban doonaa Real Madrid iyada oo saacadaha soo socda si Rasmi ah loogu dhawaaqi doono heshiiskiisa.

Real Madrid ayaa bixin doonta lacag dhan 1.3 milyan euro oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa maadama ay tababaraha soo dalbatay koox ka ciyaarta tartanka champions league.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE