DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican premeir League Xilli Ciyaareedka Ee EA SPORTS Oo La Soo Saaray.

8 Xiddig ayaa u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday ee abaalmarinta EA SPORTS.

Xiddigaha 8-da ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana ay haatan u tartami doonaan ku guulaysiga abaalmarinta midkooda ugu fiican.

Abaalmarinta ayaa lagu dhawaaqi doonaa 3 bisha June kuna beegan maalinta khamiista ah ee soo socota.

Kevin De Bruyne (MCI)

Kubad sameeyahah Man City ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ah xiddiga 2-aad ee ugu caawinta badan premier League isaga oo sidoo kale ah xiddiga 3-aad ee abuuray 80 fursadood inkasta oo uu dhaawac ku seegay kulamo badan.

Ruben Dias (MCI)

Daafaca dhexe ayaa saamayn deg-deg ah ku yeeshay kooxda Man City kadib markii uu ku soo biiray isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay 15 kulan shabaqooda ilaashato xilli ciyaareedkii dhamaaday sidoo kale 23 guul ku hogaamiyay kooxdiisa.

Bruno Fernandes (MUN):

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 18 gool premier League waana xiddiga khadka dhexe ah ee goolasha ugu badan dhaliyay xilli ciyaareedka waana xiddiga 2-aad ee caawinta ugu badan sameeyay isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad.

Jack Grealish (AVL):

Inkasta oo uu 12 seegay kabtanka Aston Villa ayaa ku lug lahaa 16 gool isaga oo doro muhiim ah ka ciyaaray in ay kooxdiisu horyaalka kaga dhamaysato kaalinta 11-aad.

Harry Kane (TOT):

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Kane ayaa noqday xiddigii seddexaad ee taariikhda Premier League ee xilli ciyaareedka ku dhamaysata gool dhalinta iyo caawinta ugu badan xilli ciyaareed kaliya isaga oo dhaliyay 23 gool 14 kalena caawiye ka noqday.

Mason Mount (CHE):

Xiddiga ka soo baxay Akademiyada chelsea ayaa door weyn ka ciyaaray qaab ciyaareedka chelsea isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale

Mohamed Salah (LIV):

Xiddiga reer Masar ee Liverpool ayaa kaliya hal gool u jiray ku guulaysiga gool dhalinta premier League isaga oo Liverpool ka caawiyay in ay ku dhamaysato kaalinta 3-aad.

Tomas Soucek (WHU):

Xiddiga khadka dhexe ee reer Czech ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 10 gool kooxdiisana ka caawiyay in ay ku dhamaysato kaalinta 6-aad oo ah booskii ugu fiicanaa tan ilaa 1998/1999.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE