Lambarada Xulka Qaranka England Ay Kaga Qayb Gali Doonaan Tartanka Euro 2020 Oo La Shaaciyay.

Waxa la shaaciyay Lambarada xiddigaha xulka qaranka England xidhan doonaan tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona todobaadka dambe.

Tababaraha xulka qaranka Gareth Southgate ayaa shaaciyay Liiska kama dambaysta ah ee xiddigaha uu kaga qayb gali doono tartanka Euro 2020 isaga oo soo xushay 26 xiddig.

Kadib markii la shaaciyay Liiska kama dambaysta ah waxa sidoo kale la xaqiijiyay lambarada ay xidhan doonaan tartanka Euro 2020 kaas oo ay ku bilaaban doonaan kulanka Cristia 13 bishan haatan lagu jiro.

Lambarada la bixiyay ayaa u dhexeeya 1 ilaa 26 iyada oo xiddiga Harry Kane la siiyay Lambarka No.9 halka Sterling loo dhiibay 10 halka Henderson la siiyay Lambarka No.8.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE