Lionel Messi Oo Ugu Dambayn Meel Saaray Mustaqbalkiisa Barcelona, Maxaa Cusub

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu soo afjarayo murankii badnaa ee ku jiray mustaqbalkiisa kooxda Barcelona isaga oo qalinka ku duugaya heshiis cusub oo 2 sano ah oo uu kula joogi doono Barcelona.

Mustaqbalka xiddiga 6-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayuu shaki ku jiray bilihii ugu dambeeyay kadib markii uu isku dayay in uu isaga tago kooxda xagaagii hore.

Xiddiga reer Argentine ayuu heshiiskiisu dhici doonaa dhamaadka bishan lagu jiro ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda Barcelona.

Si asta ha ahaatee wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Lionel Messi go’aansaday in uu sii joogo kooxda Barcelona waliba dhawaan qalinka ku duugi doono heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

Messi ayaa sidaas darteed ka garab ciyaari doona xiddiga ay isku dalka yihiin ee Sergio Aguero xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu xiddigu heshiis 2 sano ah ugu soo biiray kooxda Barcelona.


Source: laacibfm

SHARE