RASMI: Xiddigaha U Tartamaya Da’yarkii Ugu Fiicnaa Premier League Xilli Ciyaareedkii Dhamaada Oo La Shaaciyay

Labada xiddig ee ku guuleysatay horyaalka Premier League ee Manchester City Ruben Dias iyo Phil Foden ayaa ka mid ah musharaxiinta u tartamaya abaalmarinta da’yarka ugu fiican xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo kula tartama 6 xiddig oo kale.

Labada xiddig ee Man City ayaa baalmarinta kula tartamaya xiddigaha Mason Mount, Bukayo Saka, Marcus Rashford, Declan Rice, Dominic Calvert-Lewin & Illan Meslier.

8-da xiddig ee u tartami doona abaalmarinta da’yarka ugu fiican ayaa la xaqiijiyay maanta oo Salaasa ah waxana abaalmarinta u tartamaya xiddigaha jira 23 iyo wax ka yar ee sida fiican u ciyaaray xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Dias iyo Foden ayaa ugu cad-cad in ay ku guulaystaan abaalmarinta kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka premeir League iyo waliba League cup-ka xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Abaalmarinta oo ay taageerayaasha premier League qayb ka mid ah codeeyaan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo bartamaha bishan haatan socota ee June.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE