Real Madrid Oo Arsenal Jawaab Ka Siisay Iibka Martin Ødegaard , Kubadda Garoonka Gunners Ayay Taal

Maamulka Rela Madrid ayaa xadiday qiimaha ay uga kaaftoomi karaan da`yarkooda Martin Ødegaard ka dib markii Arsenal ay muujiyeen rabitaan ah in ay iibsadaan

Laacibkaas ayaa amaah Arsenal ugu soo ciyaaray intii u dhaxeysay bilihii January iyo May , waxa uuna laacibkaas ka hoos ciyaaray macalin Arteta 20 kulan dhamaan tartamada ah waxa uu dhaliyay laba gool halka laba kalana uu sameeyay .

Arsenal ayaa muujisay rabitaan xooggan oo ku aadan in qadkaas dhexe toos u iibsadaan waana midda keentay in Real ka fikiraan qiimaha ay uga maarmi karaan

Wargeyska The Sun ayaa ilo Spain ah ka soo xigatay in Real diidaneen in xagaagan iibiyaan Martin Ødegaard haddii qiimo macquul ah laga keeno

Waxaa la soo xiganayaa in Real ay ku qiimeysatay laacibkaas reer Norway aduun dhan 52 milyan oo gini , waxaana la xusay in aysan dhageysan doonin qiimo intaas ka yar

Waxaa xusid mudan in hishiiska Martin Ødegaard ee Real Madrid uu dhacayo xagaaga 2023-ka


Source: laacibfm

SHARE