Sergio Aguero Oo Ka Hadlay Wararkii La Xidhiidhinayay Chelsea Kadib Markii Uu Ku Biiray Barcelona.

Xiddiga Cusub ee kooxda Barcelona Sergio Aguero ayaa beeniyay wararkii la xidhiidhinayay kooxda chelsea isaga oo sheegay in uu kaliya indhaha ku haya ku biirista kooxda Barcelona kadib markii uu kooxda si Rasmi ah ugu biiray.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa shalay si Rasmi ah loogu soo bandhigay saxaafada isaga oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Aguero ayaa isaga tagay koxda Man City kadib markii uu dhamaaday champions League isaga oo soo afjaray 10 sano oo uu joogay kooxda Man City.

Sergio Aguero oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Barcelona ayaa ahayd dookha kaliya ee i hor yaalay, wax niyad ah uma hayn in aan sii joogo premier League”.

“Marna kama laba-labayn markii ay Barcelona dalab iga soo gudbisay”ayuu Aguero sii raaciyay”.

“Pep Guardiola ayaa ii sheegay in aan ku biirayo kooxda ugu fiican adduunka”ayuu Aguero hadalkiisa ku soo xidhay.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE