Shaxda Ay Real Madrid Ku Ciyaari Karto Hadii Uu Carlo Ancelotti Tababare U Noqdo Kooxda Xilli Ciyaareedka Dambe

Kooxda Real Madrid ayaa qarka u saaran in ay Tababare Carlo Ancelotti u magacawdo tababarohooda cusub xilli ciyaareedka dambe iyaga oo ku badali doona Tababare Zidane oo isaga tagay kooxda todobaadkii hore.

Carlo Ancelotti ayaa Real Madrid kula guulaystay champions league sanadkii 2014 waxana loo xil saari doonaa in uu dhiso koox u tartanta koobab xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa horay ula soo shaqeeyay xiddigo magac weyn leh sida Cristiano Ronaldo kaas oo kooxda Real Madrid lala xidhiidhinayay bilihii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha shaki ku jira mustaqbalkiisa.

Hadaba wargayska Express Sport ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Real Madrid hadii uu Carlo Ancelotti noqdo tababarohooda xilli ciyaareedka dambe.

Shaxda uu wargaysku saadaaliyay waxa ku jira 4 xiddig oo aan haatan u ciyaarin Real Madrid laakiin lala xidhiidhinayay saxiixooda.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE