Shaxda Waalida Ah Ee Ay Barcelona Ku Ciyaari Karto Xilli Ciyaareedka Dambe Hadii Ay Helaan Wijnaldum, Depay & Garcia.

Imaatinka Sergio Aguero ayaa furay suuqa kala iibsiga Barcelona ee xagaagan xilli ay kooxdu is badal weyn samayn doonto suuqa xagaagan.

Barcelona ayaa la sheeayaa in ay isku shaandhayn weyn samayn doonto xagaaga iyada oo iska iibin doonta xiddigaha ay ka midka yihiin Sergio Busquets, Phillipe Coutinho & Antoine Griezmann.

Sida Aguero kooxda Barcelona ayaa ugu yaraan qaab xor ah ku heli karta 3 xiddig oo kale kuwaas oo ay dheceen heshiisyada ay kula jiraan kooxohooda.

Xiddigaha Georginio Wijnaldum, Eric Garcia & Memphis Depay ayaa ka mid ah xiddigaha ay qaabka xorta ah ku heli karto kooxdu suuqa xagaaga maadama ay bilaa koox yihiin.

Sidaas darteed Barcelona ayaa xilli ciyaareedka dambe ku ciyaari karta shax waali ah iyaga oo aan wax lacag ah ka bixin xiddigaha ay kala soo wareegayso suuqa kala iibsiga.

How Barcelona could line-up next season


Source: laacibfm

SHARE