Tababaraha Ugu Cad-Cad In Uu Shaqada Ka Badalo Zinedine Zidane Oo La Ogaaday, Waa Tababare Horay U Soo Maamulay.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo tababaraha kooxda Everton ee Carlo Ancelotti si uu u noqdo badalka Zinedine Zidane Xilli ciyaareedka dambe.

Los Blancos ayaa suuqa ugu jirta tababare cusub kadib markii uu Zinedine Zidane isaga tagay kooxda todobaadkii hore.

Halyeeyga kooxda ee Raul ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa shaqada halka sidoo kale lala xidhiidhinayo tababarayaasha Mauricio Pochettino, Antonio Conte & Xabi Alonso.

Si kasta ha ahaatee Idaacada Cadena SER ayaa sheegaysa in uu Acelotti yahay tababaraha haatan ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda iyada oo uu madaxweynaha Real Madrid haatanba la xidhiidhay tababaraha

Ancelotti ayaa horay u soo hogaamiyay Real Madrid muddo 2 sano ah isaga oo kooxda kula guulaystay champions League, Copa del Rey, Supercopa iyo aliba Club World Cup.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: 3 Khalad Oo Ay Lamaanuhu Ku Dhacaan Inta Badan.


Source: laacibfm

SHARE