3-da Xiddig Ee Laga Reebay Abaalmarinta PFA Inkasta Oo Ay Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigeen Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday Premeir League.

Waxa la soo saaray xiddigaha u tartami doona abaalmarinta PFA ee xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka iyada oo la shaaciyay 6-da xiddig ee u tartami doona abaalmarinta.

Xiddigaha Ilkay Gundogan, Kev De Bruyne, Ruben Dias, Phil Foden, Harry Kane & Bruno Fernandes ayaa ah xiddigaha nasiibka u yeeshay in ay u tartamaan abaarlmarinta xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa laga reebay 3 xiddig oo u qalmay in ay ka mid ahaadaan xilli ciyaareedkan xiddigaha u tartamaya abaalmarinta marka loo eego qaab ciyaareedka fiican ee ay soo bandhigeen.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo ahaa xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan premier League isla markaasna dhaliyay 22 gool xilli ciyaareedka.

Xiddiga kale ayaa ah xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kante kaas oo xitaa loo saadalinayo ku guulaysiga Ballon d’Or-ka sanadkan kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay iyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish kaas oo dhankiisa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.


Source: laacibfm

SHARE