Aleggri Ilaa Ancelotii & Sheekadii Ka Dambaysay Saxiixa Real Madrid Ee Tababaraha Cusub.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay saxiixa Carlo Ancelotti kaas oo ay ka dhigatay tababareheeda cusub kuna badashay tababare Zinedine Zidane.

Saxiixa Ancelotti ayaa yimid kadib dookhyo badan iyo wadahadalo badan oo ay kooxda Real Madrid samaysay todobaadyadii la soo dhaafay si ay ugu buuxiso booska Zinedine Zidane.

Real Madrid ayaa wadahadalo la qaadatay tababarayaal badan ka hor intii ayna go’aansan in ay u dhaqaaqdo saxiixa Tababare Ancelotti kaas oo ku soo laabtay kooxda Markii 2-aad.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa qaabkii ay Real Madrid wadahadalada ula qaadatay tababarayaasha ay doonaysay in ay ku badasho Zinedine Zidane.

1.Massilimano Allegri:

Maalmihii hore ee bishii May, Real Madrid waxay bilowday inay raadiso tababare cusub Liiska tababarayaashana waxa ugu sareeyay Tababare Massimiliano Allegri kaas oo ahaa dookha 1-aad ee kooxda sabab la xidhiidha in uu wakhtigaas bilaa koox ahaa laakiin Real Madrid ayuu wakhtigu ka dhacay maadama uuna Zidane wakhti hore ka tagin kooxda taas oo keentay in Juventus loo magacaabay Massimiliano Allegri sidaasna ku wayday fursad ay ku heli lahayd saxiixa Tababaraha.

2-Joachim Löw:

Kooxda Real Madrid ayaa isku dayday in ay la soo saxiixato Tababare Joachim Löw laakiin Tababaraha reer Germany ayaa ku mashquulsan xulka qaranka Germany oo isku diyaarinaya ka qayb galista tartanka Euro 2020.

3.Antonio Conte:

Real Madrid ayaa isku dayday sidoo kale in ay la soo saxiixato Tababare Antonio Conte si uu u hogaamiyo kooxda laakiin dalabka uu tababaruhu doonayay mushaharka ayaa ahaa mid aad u sareeyay taas oo keentay in ay u dhaqaaqi waayaan.

4.Mauricio Pochettino:

Tababaraha reer Argentine ee Mauricio Pochettino ayaa ahaa dookha ugu fiican ee maamulka Real Madrid laakiin waxa ay doorteen in ayna wax wadahadalo ah la furin kooxda PSG maadama ayna xidhiidh fiican lahayn labada dhinc.

5-Raul Gonzalez:

Ma jirin wax wadahadalo ah oo ay Real Madrid la furay halyeeyga kooxda gaar ahaan in uu Raul haatanba hogaamiyo kooxda da’yar sidoo kale uuna diyaar u ahayn in uu hogaamiyo kooxda 1-aad wakhtigan.

6.Carlo Ancelotti

Tababaraha reer Italy ee Carlo Ancelotti ayaan ahayn dookha 1-aad ee Real Madrid laakiin markii uu xidhiidh dhexmaray madaxweynaha Real Madrid iyo tababaraha waxa uu Tababaraha reer Italy isla markiiba ogolaaday in uu noqdo tabaabraha hogaamin doona kooxda.


Source: laacibfm

SHARE