Arsene Wenger Oo Magacaabay Xulka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2020

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xulka qaranka France u magacaaay xulka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka Euro 2020 ee bilaaban doona todobaadka dambe.

Xulka Difaacanaya koobka adduunka ayaa la ciyaari doona xulalka Germany, Hungary iyo Portugal Wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

“France ayaa aad ugu sharaxan ku guulaysiga tartanka Euro 2020 sababo badan awogeed”ayuu Wenger u sheegay beIN Sports.

“Sababta ugu weyn waa in uu xulka France haysto xiddigaha ugu fiican oo isugu jira xiddigo da’yar ah iyo waliba xiddigo khibrad leh sidaas darteed ayay ugu sharaxanyihiin”ayuu sii raaciyay.

“Sidoo kale ma haystaan xiddigo muhiim ah oo dhaawac uga maqan waxana sidoo kale ku soo laabtay Benzema oo ka garab ciyaari doona xiddigaha Mbappe iyo Griezmann”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE