Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Mustaqbalka 4 Xiddig Oo Real Madrid Ah, Fursad Ayuu Siinayaa.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa markii ugu horaysay saxaafada la hadlay isaga oo Tababare Real Madrid ah kadib markii loo magacaabay Xilka tabaabranimo shalay oo Salaasa ahayd.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddigaha kooxdiisa gaar ahaan 4 xiddig oo kooxda ah kuwaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkooda kooxda Real Madrid.

Carlo Ancelotti ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddigaha Sergio Ramos oo uu heshiiskiisa Real Madrid dhici doono dhamaadka bishan waliba aan heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Sidoo kale tababaraha ayaa wax laga waydiiyay xiddigaha Gareth Bale, Isoc iyo Marcelo kuwaas oo uu sidoo kale dhamaantood shaki ku jiro mustaqbalkooda Real Madrid.

Carlo Ancelotti oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kaliya waxa aan kooxda Imid maanta, waxa aan maalmaha soo socda la hadli Doonaa Ramos”.

“Waxa aan wali jacayl u hayaa xiddigaha Gareth Bale, Isco iyo Marcelo waxana ay i Tusi doonaan waxa ay qaban karaan iyo in ay u qalmaan u ciyaarista Real Madrid”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE