DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Premier League Ee PFA Oo La Shaaciyay.

Xidhiidhka xirfadlayaasha kubada cagta ee marka la soo gaabiyo loogu dhawaaqo “PFA” ayaa soo saaray 6-da xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka premier League.

6 Xiddig oo ka kala tirsan 3 kooxood ayaa ah xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka ee PFA kuwaas oo mid ka mid ah ku guulaysan doono Abaalmarinta.

Kooxda ku guulaystay horyaalka premier League ee Man City ayaa Ku leh tartanka 4 xiddig kuwaas oo kala a Ilkay Gundogan, Kev De Bruyne, Ruben Dias iyo Phil Foden kuwaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Xiddiga ku guulaystay gool dhalinta premier League ee Harry Kane ayaa isaguna kooxdisa Tottenham uga jira tartanka kadib markii uu dhaliyay 23 gool 14 kalena caawiye ka noqday.

Xiddiga khadka dhexe ee ugu goolasha badan ee Bruno Fernandes ayaa isaguna ku jira tartanka kadib markii uu dhaliyay 18 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.


Source: laacibfm

SHARE